Dad Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Webi Mara Degaanka Canfarta Iyo Faah Faahin Laga Helay

64

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan toddoba qof oo Soomaali xoolo dhaqata ah lagu laayay deegaan la yirahdo hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash ee mara deegaanka Canfarta halka dhawr kalena lagu dhaawacay.

Maleeshiyaad ka soo jeeda qowmiyadda Canfarta ayaa weerar ku qaaday xoolo dhaqato Soomaali ah oo u arooray tegay webiga mara deegaanka Canfarta, halkaa oo sidoo kale la sheegay in lagu qaaday xoolo gaaraya ilaa afar kun oo neef.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo xilli isbuucyadii la soo dhaafay ay socdeen deldaallo lagu dhex-dhexaadinayo colaadda labadani qowmiyadood ee dirirtoodu soo jiitameysa in muddo ah.

Dad farabadan oo xoolo dhaqato ah kuna noolaa deegaanka Canfarta ayaa marar kala duwan waxaa lagu qaaday weeraro sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena ay dhaceen dagaal beeleedyo