Barakacayaal hor leh oo soo gaarey degmada Baardheere ayaa ku biirey xeryaha Barakaca ee Garsaaley iyo Daanyaarey.

17

Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya Tirada Qoysaska deegaanadooda uga barakacaya Abaarta saameysay nolosha dad iyo diuunyaba,Boqolaal ka mid ah Qoysaskaasi oo u badan Haween,Caruur iyo dad waayeelo ah ayaa maalmahii ugu dambeeyey soo gaarey Baardheere,kuwaasi oo ku biirey Xeryaha Barakaca ee Garsaaley iyo Danyaarey ee ku yaala Duleedka degmada Baardheere,

Boqolaal Qoys oo hor leh ayaa maalmahii ugu dambeeyey soo gaarey degmada Baardheere,kuwaasi oo ku biirey Xeryaha Garsaaley iyo Daanyeeray,iyadoo Xeryahaasina ay horey u deganaayeen muddo sanad ka badan Boqolaal Qoys oo ka soo kala barakacay deegaano ka kala tirsan Gobolada Bay iyo J.Dhexe.

Qaar ka mid ah Qoysaskan Barakacayaasha ee Maanta soo gaarey Xerada Barakaca ee Garsaaley ayaa waxay tiradoodu ay gaareysay 55 qoys oo ay ka muuqato daal xoogan waxaana Cunno gaarsiiyey Qoysaskaasi Gudoomiyaha Xerada Barakaca ,waxaana isla goobta ka Hadley Qaar ka mid ah Qoysaska soo barakacay.

Dhinaca kale waxaa laga deyrinayaa Xaalada nololeed ee iminka ay ku sugan yahiin Boqolaal Qoys ee degan Xerada Barkaca Daanyeeray eek u taala duleedka Koonfureed ee degmada Baardheere.dhibaatada ugu daran ee ay ka cabanayaan ayaa waxaa ugu weyn, cunnada, hoyga ,Biyo yarida iyo caafimaadka, iyadoo Noloshooduna ay saameyn ku yeelatey abaarta daba dheeraatey iyo roob la,aanta.

Qoysaskan ku jira Xerada Danyaarey ayaa tiradoodu waxay gaaraysaa ilaa 250 qoys,kuwaasi ayaa intooda badan waxay ka soo barakaceen Deegaano hoos taga Gobolada Bay iyo J/dhexe,mana jiraan ilaa iyo hadda wax gargaar ah oo ay ka heleen Xerada Barakaca tan iyo intii ay isaga soo huleeleen deeganadii ay ku noolaayeen,waa kuwan Qaar ka mid ah Qoysaska ku barakacaya Abaaraha ee degan Barakaca ee Daanyeerey.