Waa sidee Xaalada Nololeed ee ay ku nool yahiin Kumanaan Qoys oo ku Barakacay Abaaraha kuna nool Baardheere(DHAGEYSO)

45

Bismilaahi raxmaani ariim,kulanti wanaagsan dhageystayaal ku soo dhowaada Barnaamij gaar oo aan ku faaqideyna Xaaladaha Abaareed ee ka taagan Gobolka iyo Xaalada Nololeed ee ay ku nool yahiin Kumanaan Qoys oo ku Barakacaya Abaaraha kuna nool Baardheere,anagoo si gaar ah uga hadli doono Sidee loo caawin karaa dadka dhibaateysan ee Barakacayaasha,Sidee looga baxi karaa Abaaraha soo noq noqdey,Sidee loo wanaagin karaa saxada iyo Nadaafada goobaha ay degan yahiin dadka Barakacayaasha oo bilahii la soo dhaafey dad ka badan ilaa 200 oo u badan Caruur ay xeryaha ugu geeriyoodeen macaluul iyo Cuduro,

Soo saarista Barnaamijkan Caawa ayaa waxaa gacan ka geystey Hay,adda Samafalka HIRDA oo kaashaneysa Somali Humanitarian Found oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SHF.
waa habeenimo Talaado ah ,taariikhduna ay ku beegan tahay 14/06.2022,saacaduna waa 9.00 fiidnimosaarey waxaana Barnaamijkan idiin soo soo saarey,islamarkaana idin socodsiinaya anigoo Axmed Cumar Saalixi,dhanka farsamadana waa Wariye Yaxye Soofe,halka aad kala soctaan Barnaamijkan waa Radio Markabley Baardheere,hirkiisa FM 88.8 MHTZ waa mar kale iyo Barnaamijka Caawa,balse inta aan guda gelin Barmaamijka ku soo dhowaada Fariin wacyi gelin ah .


Labadii sanno ee la soo dhaafey abaaro ba’an iyo biyo la;aan daran ayaa waxa ay halakeeyeen Nolosha kumanaan Qoys oo u badan Xoolo dhaqato reer guuraa ah oo intooda badan Xoolahi ay dhaafeen iyo Beeraley Noloshoodu ay ku tiirsaneyd wax soosaarka Beeraha,kuwaasi oo ku noolaa deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J.dhexe.

Iyadoo dhibaatooyinkaasi ay jiraan sababna ay u tahay Roob yaraanta oo Afartii xilli ee la soo dhaafey ayan wax roobab sidaas u weyn ayan ka da,in Gobolka iyo Gobolada kale ee deriska,marka laga reebo degmada Baardheere iyo nawaaxigeeda oo ay ka da,een roobab lagu diirsadey,balse weli magaalada Baardheere degan kumanan Qoys oo deeganadooda uga soo barakacay Abaaraha oo Tiradoodu ay gaareyso ilaa 19 kun oo qoys ,kuwaasi oo ku biirey ilaa 19 xero Barakac oo ku kala yaala duleedka Baardheere.

Qoysaskan oo u badan haween,Caruur iyo dad kale oo da,ah ayaa wajahaya dhibaatooyin xaga nolosha ah mana haystaan adeegyadii ay u baah naayeen in laga caawiyo sida ,Cunnada ,Hoyga ,Biyaha ,Musqulaha iyo Adeega Caafimaadka,inkastoo mararka qaar caawimaad kooban ay ka helaan Hay,ado Samafal iyo Ururo degan Baardheere,balse gargaarkasi ayaan ahayn mid joogta ah.

Hadaba Mowduuca Caawa aan faaqideyno Barnaamijka Dooda ayaa ah Sidee loo caawin karaa dadka dhibaateysan ee Barakacayaasha,Sidee looga baxi karaa Abaaraha soo noq noqdey,Sidee loo wanaagin karaa saxada iyo Nadaafada goobaha ay degan yahiin dadka Barakacayaasha oo bilahii la soo dhaafey dad u badan Caruur ay xeryaha ugu geeriyoodeen macaluul iyo Cuduro.

Barnaamijka Dooda ayaa waxaa igala qeyb galaya Maxamed Weli Yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha Maamulka Baardheere,Ismaaciil Cumar Macalin oo ah Gudoomiyaha Xeryaha Barakacayasha Baardhere,Maxamed Ibraahin Faradheere oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Baardheere, Ibraahin Maxamed Cabdi waaxid oo ah Madaxa Mashaariicda Beeraha iyo Kabayasha Nolosha ee Hay;adaha Samaflka Life line Gedo iyo Cabdulqaadir maxamed oo ka mid ah Ganacsatada degmada Baardheere oo isna aan ka wareysan doona Saameynta ganacsiga dhanka Abaaraha.

Su,aasha ugu Horeysa Barnaamijka Dooda ee Abaaraha ee aan ku daah furayo ayaa waxaan weydiiyey Ismaaciil Cumar Macalin waa Gudoomiyaha Gudiga Barakacayaasha Baardheere ,islamarkaana si qoto dheer ula socdey Xalada Dadka Abaaraha dartooda uga barakacay deegaanadoooda?

-Xaawa Xasan Maxamed,waa Hooyo 65 sanno jir ah,Qoyskeeduna waxaa uu ka kooban yahay ilaa 8 ruux,waxayna degan tahay Xerada Barakaca Dabaqa Xaaji oo ay soo degtay bartamahii Bishii Otobar ee sanadkii 2021,waxayna ka soo barakacdey degmada Diinsoor,mar aan kula kulmey Xerada ayaa waxay sharaxaysaa sida uu xaalkeedu uu yahay?

-Maxamed weli Yusuf (Qorax) oo ah Gudoomiyaha Maamulka Baardheere ayaan wax ka weydiinay Culeyska Barakacayaasha faraha badan ay ku hayaan deegaanka ,kaalmooyinka ilaa iyo hadda ay ka heleen Hay,adaha Samafalka iyo Ururada ayaa sheegay in gaabis uu ka jiro dhanka wax u qabashada Barakacayaasha,baahi weyn loo qabo caawinta barakacayasha.

2-Ibraahin Maxamed Cabdi waaxid oo ah Madaxa Mashaariicda Beeraha iyo Kabayasha Nolosha ee Hay;adaha Samaflka Life line Gedo oo la socdey xaalada Barakacayaasha degan Baardheere ayaan ka wareysaney baahiyaha ay Qabaan xilligan Qoysaskan Barakacayaasha iyo gargaarka soo gaarey iyo weliba sida ugu macquulsan ee ay deeganadooda ugu laaban karaan.?

4-Cabdulqaadir maxamed oo ka mid ah Ganacsatada degmada Baardheere oo aan wax ka weydiinay saameynta Barakacayaasha ay ku yeesheen sarakaca ku yimid noocyada kale gedisan ee Maciishada deegaanka waxa u sabab ah?

Guud ahaan Dhageystayaal waxaa intaasi ku ek Barnaamijkii Todobaadlaha ee aan ku eegaynay Xaaladaha Abaareed ee ka taagan Gobolka iyo Xaalada Nololeed ee ay ku nool yahiin Kumanaan Qoys oo ku Barakacaya Abaaraha kuna nool Baardheere.

soo gudbinta Barnaamijkan oo ah mid Todobaadle ah halka aad kala socotaan waa Radio Markabley Hirka FM 88.8 mhtz,Soo saarista Barnaamijkan waxaa gacan ka geystey Hay,adda Samafalka HIRDA oo kaashaneysa Somali Humanitarian Found oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SHF.

Barnaamijkan oo Rogaal celis ah ayaa idaacada Markabley waxaad ka dhageysan doontaan Maalinimada Khamiista 2.30 ka Duhurnimo haddii uu alle Idmo,sidoo kale ciddi uu seegay Barnaamijkan Barta aan ku leenahy internedka ee wwww,Radio Markabley .com iyo Barta Facebooga Radio markabley

waxaana idinla socod siinayey Anigoo ah Axmed Cumar Saalixi,dhanka Farsamadana waa Yaxye C.risaaq Soofe,inta aan ku kulmeyno Barnaamij midkan la mid ah sidaas iyo Nabad gelyo.

Axmed Cumar Saalixi
Radio Markabley FM Baardheere