Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Itoobiya

44

Wararka ka imaanaya gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu ka dhacay qarax bambaano kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan qaraxa ay ku dhimatay 5 ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeyn.

Qaraxa dhacay ayaa yimid, kadib markii ciidamada ammaanka ay isku dayeen in ay hub ka dhigis ku sameeyaan shaqsiyaad la xiray, sida ay sheegeen booliska Itoobiya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay magaalada Dessie Isniintii, Sida laga soo xigtay ciidamada booliska ee magaalada, iyagoo sheegay in afar qof oo ay ku sheegeen ‘burcad’ la qabtay, kuwaas oo la geeyay saldhigga booliska ah, balse waa ay diideen inay ku wareejiyaan hubkii ay wateen.

Labo ka mid ah ciidamada ammaanka iyo saddex ka mid ah maxaabiista ayaa ku dhintay qaraxa, kaasi oo ay boolisku ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen raggaas.

Olole ay mas’uuliyiintu ugu magacdareen hawl-galka sharciga ah ayaa lagu xiray in ka badan 6000 oo qof oo ku nool gobolka Axmaarada.