Laba dhinac oo saameyn xoog leh ku leh magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub

36

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in dhawaan uu shaaciyay qofka uu u xushay raysul wasaaraha cusub, si loo soo dhiso xukuumad la wareegta talada dalka.

Ilaa iyo hadda, si rasmi ah looma xaqiijin qofka uu noqonayo ra’isulwasaaraha cusub, waxaana baraha bulshada ee ay Soomaalidu ku wada xiriirto lagu faafiyay magacyada shakhsiyaad kala duwan.

Sida caadiga ah, ra’isulwasaaraha cusub ayaa lagu soo magacaabaa muddo 30 maalmood gudahood ah, oo ka billaabanaysa marka la doorto Madaxweynaha. Xasan Sheekh ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 15-kii May.

Haddaba qormadan waxaan ku eegi doonnaa shakhsiyaadka iyo siyaasiyiinta saameynta ku yeelan kara magacaabista la filayo inay dhowaan dhacdo.

Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in ugu yaraan laga talo-geliyo qofka loo magacaabayo raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.