Xoolo dhaqatada Gobolka Gedo ee u hayaamay Jubbooyinka oo bilaabay inay dib ugu soo laabtaan Gobolka.

56

Boqolaal xoolo dhaqato ah oo labadii sano ee lasoo dhaafay xoolohoodii ula hayaamay deegaanno ka tirsan gobolada J/Dhexe iyo J/hoose ayaa labadii todobaad ee ugu danbaysay bilaabay in ay dib ugula laabtan qaybo kamid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya oo ay ka da,een Roobabkii xilliga Guga.

Xasan Aden wuxuu kamid yahay xoolaleyda dib ugu laabanaya deegaanka Burcaro oo 30 km Bari kaga beegan magaalada Garbahaarey.waxuuna Warbaahinta uu u sheegay inuu wato xoolahiisa intii uga hartey Abaarta oo gaaraya ilaa 90 neef oo Geel ah oo uu ula guuray nawaaxiga degmada Bu,ale oo ka tirsan degmada Bu,aale si uu baad iyo biyo ugu raadiyo.

Tan iyo dabayaqaadii Bishii May ee Sanadkan Ilaa tiro ka badan Afar Boqol oo qoys ayaa ku laabtey dhulka miyiga ah ee ku teedsan degmooyinka Ceelwaaq,Baladxaawo,Dolow iyo Garbahaarey oo dhammaantood ah deeganadii ugu darnaa ee ay abaarta si weyn u halakeysay.

Axmed