Maraykanka oo sheegay in Taiwan uu difaaci doono haddii shiinuhu weeraro

40

Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in Maraykanku uu faragelin milatari samayn doono si uu u difaaco Taiwan haddii Shiinuhu ku soo duulo jasiiraddaasi, hadalka sidan u cad ee uu arrintan ku sheegay ilaa hadda, waxa uu soo afjarayaa sannado badan oo madmadow istiraatijiyadeed uu ka imanayey madaxdii isaga ka horreysay.

Isagoo ka hadlayay booqashadii uu ku tagay Japan, Mr Biden wuxuu sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay siyaasadda ku salaysan shine hal ah.

Laakiin waxa uu sheegay in duullaan lagu soo qaado Taiwan uu kala furfuri doono gobolka oo dhan – Maraykanka iyo xulafadiisana ma ogolaan doonaan inay taasi dhacdo isaga oo barbar dhigaya duullaanka noocaas ah waxa ka socda Ukraine.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in Beijing ay aad uga xuntahay hadalladan oo kale, isagoo ku daray in Taiwan ay tahay qayb aan la aqbali karin oo ka tirsan dhul weynaha Shiinaha).