53
Xaafadahii ku guuleystey Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan ee Xaafadaha Baardheere oo la gudoonsiiyey Abaalmarino kale Duwan.
Xaafada Bullo kulow ayaa noqotay horyaalka Xaafadaha Baardheere ee sanadkan, kadib markii ay ku guuleysatay tartan aqooneedka Bisha Ramadaan ee ay Qabatey Warbaahinta Markabley,kaasi oo loo qabtey ilaa 11 xaafadood ee ay ka kooban tahay degmada.
Xaflad si heer sare loo agaasimey,islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Guddiyo ka socdey seddexdii Xaafadood ee kala galey kaalimaha 123,Maamulka Degmada iyo Waxgaradka degmada ayaa lagu qabtey Xarunta Idaacada Markabley.
Agaasimaha Radio Markabley ,Axmed Cumar Saalixi ayaa u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha Xaflada iyo Ururka Samafalka HIRDA oo suurta geliyey Qabsoomida Tartan Aqooneedka loo qabtey Xaafadaha Baardheere,isagoo sheegayna Tartan Aqooneedka Mudadii Bisha ahayd in ay ka qeyb galeen ilaa 11 xaafadood oo ay ka kooban tahay Baardheere.
Tartanka ayuu sheegay in kaalinta kowaad ay gashey Xaafada Bullo kulow,halka Xaafadaha Ceelwaaq iyo Bullo Garas ay kala galeen kaalimaha 2aad iyo 3aad,isagoo tilmaamayna xaafadahaasi in ay gudoonsiiyey Abaal marino lacageed iyo shahaado sharaf oo ay ku muteysteen dadaalkooda.
Ugu dambeyntii waxaa xaflad ka hadlay Mas,uuliiyinta Maamulka ee kala ah Faradheere oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Baardheere iyo Sanweyne oo ah Madaxa Mashaarciicda ,waxayna Bogaadiyeen dadaalka iyo juhdiga loo galey Qabsoomida Tartanka,waxayna amaan u jeediyeen Xaafadaha guuleystey ,Hay,ada HIRDA iyo Wariyayaasha Radio Markabley.