Farmaajo Iyo Madaxweynaha Cusub Ee Beddalaya Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay

47

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in kulan gaar ah ay yeesheen Madaxweynaha Xilka kasii degaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Kulanka ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in u saaka ka qabsoomay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow Villa Somalia ayaa sheegay in kulankan uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, maadaama todobaadka soo socdo la filayo in Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh si rasmi ah Madaxtooyada lagu wareejin doono.

Madaxwenaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa saacadiihii lasoo dhaafay waxaa uu waday kulamo siyaasadeed oo aan kala joogsi lahayn, waxaana uu l kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Dowlaad Goboleedyada dalka ka jira.