Aadan Madoobe oo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka si rasmi ah ula wareegay

34

Waxaa goordhow soo dhamaaday kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, xili uu shir guddoon ka ahaa  Guddoomiyaha la doortay ee Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee 10-aad oo khudbad ka jeediyay xarunta golaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay in xilka Guddoomiyahaha golahs uu ku wareejiyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur, isagoo guddoonka iyo  Xildhibaanada Baarlamaanka guul u rajeeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo khudbad isna ujeediyay Xildhibaanada ayaa ugu mahadceliyay xil wareejinta Guddoomiyii hore ee Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal, waxaana uu sheegay inay booqasho ku tagi doonaan xafiisyada guddoonka Baarlamaanka ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale, wuxuu Xildhibaanada ku wargeliyay in Ajendaha kulanka uu ahaa maanta xil wareejinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo Xildhibaanada ugu mahadceliyay sida sharafta leh ay ugu doorteen guddoonka golahaas.

“Waxaan rabaa marka koowaad inaa idiiin mahadceliyo Xildhibaanada sharafta ee Baarlamaanka 11-aad sida sharafta leh aad inoo doorateen oo maanta ilaahey ina waafajiyay anagoo nabad qabna inaa isku imaano golaheena, dhinaca kale waxaan rabaa inaa idiin cadeyno haduu Allah idmo maanta wixii ka horreeyay wixii la soo maray oo maamulka afaarihiisa ah waxaa soo waday Guddoomiyaha KMG ahaa anaha wixii ka dambeeya ayey Xildhibaanada golaha shacabka nagula xisaab tami doonaan waa inaa sidaas ogaateen” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Sidoo kale, wuxuu Xildhibaanada ku wargeliyay in Ciidul fidriga kadib ay dib isku soo laaban doonaan si gaar ah bisha Afaraad ee May, maadama uu soonka uu gabagabo yahay.