Al-Shabaab oo weerar ka geystay duleedka Gaarisa & khasaaro ka dhashay

41

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo Soomaali ah oo ka hoos Shaqeeya Maamulka Magaalada Gaaris ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa warraka la helay waxaa ay sheegayaan in uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Soomaalida ah oo Roondo kujira ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Al-Shabaab oo weerarkaas ka hadlay ayaa Warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxaa ay ku sheegteen inay kudileen Isxaaq Indhow oo ahaa Taliyihii Ciidamada iyo Hal Askari, sidoo kalena ay dhaawaceen kuxigeenkiisa.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari ayaan weli ka hadlin weerarkaas, iyada oo ay xusid mudan tahay in dhowr jeer Al-Shabaab ay weeraro ka fuliyeen degaano hoostaga Magalada Gaarisa.