Ciidamada Ruushka oo qarka u saaran ianay la wareegaan Mariupol

33

Kadib laba bil oo ay go’doon ku jirtay magaalada koofureed ee Mariupol ayaa qarka u saaran inay “saacado gudahood” ugu gacan gasho Ruushka, waxaa sidaas Arbacada maanta ah sheegay sarkaal Ukrainian ah.

Qabsashada Mariupol iyo gobolka ay maamulaan gooni u goosatada ee Donbas ee bariga ayaa Moscow u ogolaanaya inay abuurto marin xiriiriya koonfurta Ukraine iyo jasiirad u yaala Crimea ee ay qabsatay 2014-kii, taasi oo Ukraine ay ku weyn doonto inta badan xeebaheeda.

Moscow ayaa u qabatay ciidamada Ukraine ee weli difaaca kaga jira Mariupol inay isa soo dhiibaan kahor 2:00pm xilliga Moscow ee Arbcada maanta ah.

Waxay sidoo kale ku dhowaaqday inay furtay marin bani’aadaminimo oo ay ku baxaan shacabka iyo ciidamada Ukraine ee hubka dhiga.

Ayada oo waqtigaas la qabtay uu soo dhowaanayo, ayaa taliye ku sugan warshadda biraha sameysa ee Azovstal wuxuu soo saaray codsi ku aadan in la caawiyo isaga oo yiri “waxaan ku jirnaa malamaheenii ugu dambeeyey haddiiba aanay aheyn sacaadaheenii ugu dambeeyey.”

“Cadowga aad ayey nooga badan yahay, oo halkeenii qofba waxa uu wajahayaa 10,” ayuu yiri Serhiy Volyna oo ka tirsan guudata 36-aad ee ciidamada Ukraine.