Akhriso:- Kulamo iska soo horjeedo oo ka socdo Magaalooyinka Garbahaareey & Ceelwaaq

62

Magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda kuwaas oo oo looga hadlayo doorashada 16ka kursi eek u dhiman jubbaland.

Labadan magaalo waxaa ku kala sugan xubno ka socda guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal ee FEIT kuwaas oo argati ahaan iska soo horjeeda.

Xubno guddiga FEIT eek u sugan Garbahaareey waxaa wehliya xubno kamid ah guddiga xalinta khilaafaadka oo uu ugu horeeyo guddoomiye ku xigeenka guddiga.

Xubnaha gaaray magaalada Garbahaareey waxay ku adkeysanayaan in ay dhaqan galin doonaan hishiiskii 17kii Sep oo dhigayay in Garbahaareey ay tahay deegaan doorashada labaad ee Jubbland doorashadana lagu qabanyo.

Hadalkaan ayaa liddi ku ah go’aankii kasoo baxay dhawaan guddiga FEIT oo ay 16-kii kursigii ee qorshuhu ahaa in lagu doorto Garbahaareey loo wareejiyay degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale, Dhanka magaalada Ceel-waaq waxaa ka socdo kulamo kala duwan kuwaas oo looga hadlayo sidii loo qaban lahaa doorashada 16ka kursi, waxaana qorshuhu in la qabto doorashada kuraastan 27 – 28 bishan April.