Faah-faahin:- Qarax duleedka Muqdisho lagula eegtay Ciidamo AMISOM

47
Ugandan peacekeepers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) patrol inside Banadir hospital in Somalia's capital Mogadishu, August 20, 2011, where malnourished children are housed in the facility. Thousands of internally displaced people have been making the treacherous journey from the worst-hit drought areas, mostly under the control of rebels, to Mogadishu to seek access to food and medication. REUTERS/Ismail Taxta (SOMALIA - Tags: MILITARY DISASTER POLITICS HEALTH)

Waxaa faah faahino laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax lagula eegtay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee Soomaaliya u jooga Nabad illaalinta.

Goob-gooyaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso islamarkaana Ciidamada kolonyo oo kuwa AMISOM lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi xili ay halkaasi marayeen.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in qaraxa miino uu kasoo gaaray khasaaro dhaawacyo ah, waloow aan la soo warin dhimasho, inkastoo qaraxa jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah duleedka Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Ururka Al-shabaab oo ka hadlay qaraxaan ayaa sheegtay masuuliyadiisa, iyagoo tilmaamay in hal askari ay ku dileen qaraxa kadib markii uu haleelay mid kamid ah Gawaarida Xamuulka qaada oo ay wataan Ciidamada AMISOM, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Inta badan Ciidamada AMISOM ayaa ku socdaala wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana lagula eegtaa qaraxyo Miino, iyadoo uu kasoo gaaro khasaaro dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale dadka shacabka ah ee halkaa ka agdhow ayaa iyana khasaaro uu kasoo garaa.