Iyada oo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa laamaha Amniga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu amray inay qaadaan tallaabooyin dhowr ah oo lagu sugayo amniga si looga hortago kuwa geysta fallaka Amni darro.
Gudoomiyaha degmada Guriceel Anas Cabdi Macalin oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Booliska Guriceel oo Ciidamo horleh lagu soo kordhiyay ayaa faray in ay ilaaliyaan amniga Bulshada, isla markaana iyaga aysan dhibaateyn.
Sidoo kale wuxuu ku adkeeyay inay siweyn uga qeyeb qaataan sugida Amniga Shacabka kunool degmada Guriceel, wuxuuna saraakiisha Ciidamada ku dhiiri geliyay inay laba jibaaraan howlaha ay u hayaan Bulshada laguna abaal marin doono.
Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, waxaana bilihii la soo dhaafay aad looga deyrinayay Amniga Magaalada oo ay ka dhaceen weeraro kala duwan.











