Guddiga doorashooyinka Hirshabelle oo shaaciyay kuraas ka mid ah golaha Shacabka.

46

Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabelle ayaa waxaa uu shaaciyay Guddiga Xulista Ergada (GXE) iyo Jadwalka cusub ee labada kursi oo ka mid ah golaha shacabka ee BFS ee deegaan doorashadooda ay tahay Magaalada Beledweyne.

Qoraalka guddiga ayaa lagu sheegay in 01/04/2022 ay tahay Diiwaangelinta ergada iyo Murashixiinta, halka guddiga ay sheegeen in doorashada la qaban doono 02/04/2022.

kuraasta ay shaaciyeeen guddiga ayaa waxaa ay kala yihiin Hop#019 iyo Hop#054.