Ciidamada DANAB Iyo Kuwa Galmudug Oo Howlgal Wadajir Ah Ka Fuliyay Degaano

110

Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug, Ciidanka DANAB ee xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta Howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano badan oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid ka dhan ah Al-shabaab ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada kala ah Gurooleey, Dhaghaye, Cimaamad, Laas-gacameey iyo kuwa kale oo dhamaan dhaca Koonfurta Mudug, halkaas oo la sheegay inay tageen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta iyo kuwa DANAB ee Xoogga dalka ayaa sheegay inay kusoo saareen Miinooyin Al-shabaab ku aaseen wadada, sidoo kalena gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad lagu tuhmaayo inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada howlgalka waday ayaa tilmaamay inay xoojin doonaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab, isla markaana looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa DANAB ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada Al-shabaab la sheegay in habeen hore Guryo ku yaallay deegaanka Cadale ee Mudug ay gubeen, halkaas oo ay deganaayeen dad shacab ah.