Wada hadalada Ruushka iyo Ukraine oo dib u billaabanaya

51

Wareegii labaad ee wada hadalada u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo isniin ah uu ka furmo wadanka Turkiga.

David Arakhamia, oo ah Ergeyga Ukraine u qaabilsan wadahadalada ayaa xaqiijisay in wareeggii labaad wada xaajoodka ay billaabam doonaan.

“Maanta, waxaa shir Muuqaal ah isugu yimid mas’uuliyiinta wada hadalada u qaabilsan Ruushka iyo Ukraine, waxaa la go’aamiyay in wareegga xiga ee wada xaajoodka labada wafdi lagu qabto Turkiga 28-30 bishaan” Arakhamia ayaa ku soo qortay Facebook.