Rooble iyo Guudlaawe oo ka wada hadlay in lagu tartamo kuraasta taala Beledweyne

59

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu si dhaw ula socdaa juhdina ku bixinayaa dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ugu dambayn Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.

Hadalka kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa imaanaya, kadib markii Madaxweynaha Hir-shabelle uu xilkii Guddoomiyaha guddiga doorashada Hir-shabeelle uu ka qaaday Axmed Xasan Diini, kaas oo isna kasoo horjeestay xilka qaadista lagu sameeyay, iyadoo ay muuqato khilaaf xoogeystay oo u dhaxeeyo xubnaha guddiga doorashada iyo Madaxda ugu sarreysa DG Hir-shabeelle.