Kismaayo oo lagu doortay labo Xildhibaan

18

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga tirsigiisu yahay #HOP029 kaa oo ay kuwada tartamayeen Musharax Xildhibaan Axmed Maxamuud Jama iyo musharax Xildhibaan Cabdiqani Cali Ciise.

Guddiga ayaa shaaciyey in uu tanaasulay Musharax Cabdqani Cali Ciise waxa codka gacantaaga loo weydiiyey ergada in ay u codeeyaan musharaxa kale Axmed Maxamuud Jama.

Ugu dambeyntii Axmed Maxamuud Jama ayaa ku guuleeystay kursiga sumadiisu tahay #HOP029 kadib markii ay ku dhawaqeen guddiga doorashada.

Sidoo kale  Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga tirsigiisu yahay #HOP124 kaa oo ay kuwada tartamayeen Musharax Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif iyo musharax Xildhibaan Cabdullaahi Mukhtar Maxamed .

Guddiga waxa uu sheegay in uu tanaasulay Musharax Cabdullaahi Mukhtar Maxamed waxa codka gacantaaga loo weydiiyey ergada in ay u codeeyaan musharaxa kale Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif kaa helay 74 cod oo gacan taag ah.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa ku dhawaaqay in  kursiga sumadiisu tahay #HOP0124 uu ku guuleeystay Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif.