Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Maanta riday xukun dil ah

122

Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybteeda 27aad ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Askari ka tirsan Ciidanka dowlada ee ku sugan degmada Beled-Xaawo, kaas oo horay u dilay Askari kale.

Dable xoogga dalka Maxamed Aadan Maxamed Isaaq (kobra) ayaa xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada waxaa ay ku eedeyasay in uu si ku talo-gal ah u dilay Laba xidigle xoogga dalka Aadan Maxamed Xasan (Suufi).

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Maxamed Amiin ayaa sheegay in Dable xoogga dalka Maxamed Aadan Maxamed Isaaq (Kobra) oo ka katirsan Ururka 28aad guutada 10aad ee qeyta 27aad uu si bareera ah degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo uu ku dilay taariikhdu markii ay aheyd 11/2/2022 Laba xidigle xoogga dalka Aadan Maxamed Xasan (Suufi).

Waxaa uu sheegay in dabla xoogga dalka Maxamed Aadan Maxamed Isaaq (kobra) lagu riday xukun dil toogasho ah oo ah qisaastii xidigle xoogga dalka Aadan Maxamed Xasan (Suufi).

Dhowr jeer oo hore ayaa Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybteeda 27aad sidaan oo kale waxaa ay xukuno kala duwan ugu riday askar geysatay dilal kala duwan.