Taliska Booliska Soomaaliya “ma dhici doonto in musharax xildhibaan loo ogalaado wax ka badan 5 askari.

29

Taliska Booliska soomaaliya oo Maanta shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa ka hadlay Sababihii shalay looga hor istaagay in uu Baraawe u duulo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Waqtigu ka idlaaday Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudeey.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifatax Aadan Xasan ayaa sheegay in Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudeey uu Baraawe uwatay Ciidamo faro badan kuwaa oo gaarayay ilaa100 Askari , iyo Hub culus balse aysan jirin safar loo diiday.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Booliska in Cabdiwali Muudeey loo ogolaaday in uu wato ilaa 5 askari ,Maadaama Maagaalada baraawe oo ah degaan doorasha labaad ee dowlad goboleedka KGS ay tahay mid amni ah sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka oo hadalka sii watay ayaa sheegay in aysan dhici doonin in musharax xildhibaan loo ogalaado wax ka badan 5 askari in uu uwato Degaan Ay ka dhaceeyso Doorasho.

Waxa uu shegay in ay iyagu Masuul ka yihiin Amniga Doorashada oo aysan jirin Sabab uu musharax uga biqi karo Degaanka Baraawe oo amnaakisa ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa amaanka Koofur galbeed, sida uu sheegay.

Hadalka Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa kusoo aadayo xili shalay laga hor istaagay in uu Baraawe u duulo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Waqtigu ka idlaaday Cabdiwalli shiikh Ibraahim muudeey oo ahaa musharax xildhibaan oo utaagan Kursiga tirsigiisu yahay Hop#145, kaa oo sida la sheegay loo xiray musharax lagu magacaabo Maxamed wali, inkastoo aan ka xaqiijin karin.