Qarax ay ku geeriyoodeen dad shacab ah oo ka dhacay Jowhar.

44

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraysay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Inta la xaqiijiyay Afar qof oo mootada saarnaa ayaa ku dhintay qarax oo haleelay guud ahaan moota.

Weriyaha KNN ee Jowhar Bashiir Cali Daahir ayaa soo sheegaya in afarta ee geeriyootay ay ahaayeen ganacsatada Hilibka geela iibiya.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi waxaa ay ku darayaan inta uuusan qaraxa dhicin ay goobta mareen xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka Hirshabelle, kuwaasi oo ku sii jeeda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.