Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Lagu Doortay Magaalada Dhuusamareeb

40

Maanta oo taariikhdu tahay 14-da Febaraayo 2022 guddiga Doorashada Galmudug ayaa  qabtay Doorashada afar kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga nambarkiisu yahay HOP138 ayaa ka mid ahaa kuraasta maanta lagu doortay Dhuusamareeb ayaa waxaa horay isku diiwaangeliyeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Naciimo Xuseen Cali.

waxaa ka tanaasulay tartanka Naciimo Xuseen Cali, iaydoo ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame waxaana ogol ugu codeeyey 86 ergada ah oo ah dhamaan ergada ah.

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#138 Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo helay 86 cod.

Sidoo kale Kursiga nambarkiisu yahay HOP007 oo ay isku diiwaangeliyeen Farah Cabdi Diiniiyo  Mohamed Cabdi Cali, Waxaa ka tanaasulay tartanka Mohamed Cabdi Cali, waxaana ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Farah Cabdi Diini waxaana ogol ugu codeeyey 76 ergada ah oo ah dhamaan ergada ah.

Kursiga kale ee nambarkiisu yahay HOP040, oo labo musharax isku diiwaangeliyeen, oo kalana ah: Cabdullaahi Adan Kulane iyo  Xasan Cabdi Jaamac, ayaa Waxaa ka tanaasulay tartanka Xassan Cabdi Jaamac, iaydoo ergadu sida kuraastii hore ay hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdullahi Adan Kulane’

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#040 Cabdullaahi Adan Kulane oo helay 101 cod.