DF Soomaaliya oo Gaargaarkii u horreeyay gaarsiisay Gobolka Hiiraan

25

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Beledwayne gaar siisay deeq raashin ah, taasi oo loogu talagalay in wax looga qabto abaaraha ka taagan Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa deeqdan gargaarka oo dhan 20 Tan oo raashi ah ku wareejisay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gargaarka ee Hirshabeelle.

Gargaarkan ayaana waxaa Soomaaliya ugu deeqay dowladda Imaaraadka, maanta ayayna aheyd markii ay keeneen deeq kale oo raashin ah.

Abaarta ka taagan Soomaaliya ayaa ka sii dareysa, iyadoo Dowladda ay sheegtay in xaaladda deg deg ah oo dhinaca Abaaraha uu ku jiro dalka.