Galmudug oo shaacisay liiska Xubnaha soo xulaya Ergada 3 Kursi

60

Guddiga Maamulka Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay liiska xubnaha soo xulaya Ergada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan Doorashadoodu tahay Galmudug.

Kuraasta oo kala ah HOP-40, HOP-138, iyo HOP-007 ayaa la filayaa in 14 bishaan lagu Doorto magaalada Dhuusamareeb.

Xubno ay kamid yihiin Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdullaahe Kullane Jiis ayaa u sharaxan hanashada kuraastan la filayo in Doorashadooda ay dhacdo toddobaadkan.

Hoos ka akhriso liiska