Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay, tiro kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray ka dib markii qarax lala eegtay Bas ay saarnaayeen dad Shacab ah, koonfurta Gobolka Wajeer ee dalka Kenya.
Qaraxa oo ahaa nuucada Miinada ee dulka la geliyo ayaa waxaa uu haleelay Bas ay saarnaayeen dad Shacab ah, xili uu marayay deegaanka Andaki ee koonfurta Wajeer.
Ciidamo ka tirsan Booliiska Kenya oo goobta soo gaaray ayaa gargaar ayaa qaaday dhaawaca oo ay geeyeen magaalada Wajeer, si loogu dabiibo.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay wadaan Howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi.
Weerarada Qaraxyada ayaa ku soo badanaya Gobolka Waqooyi Berri Kenya, dhowan ayey aheyd markii qarax miino uu haleelay gaari Bas oo ku sii jeeday magaalada Mandheera, waxaana ku dhintay 13 ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.











