Go’aano kasoo baxay Shir ka dhacay Beled-Xaawo

42

Maamulka degmada Beled-Xaawo oo uu hoggaaminayo Gudoomiyaha gudiga amniga ahna gudoomiyaha Degmada Baladxaawo, Taliyaha Booliska degmada iyo Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa saaka shir la yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka sida Ururka haweenka,Dhalinyarada iyo horjoogoyaasha xaafadaha iyo laan xaafadeeryada.

Shirka ayaa ku saabsanaa howlaha dardargalinta hawlaha amniga waxaana ka soo baxay qodobadan

1. In si guud looga wada shaqeeyo nabad galyada Degmada

2.In an la qofna laga kireyn karin guri hoteel ilaa fasax laga helo laamaha amniga .

3. In aan Qofna la shaqaaleyn karin ilaa uu ka heysto policeka shahaadada dhaqan wanaaga .

4.In si joogto ah looga warqabo lana soo war galiya laamaha amniga shaqsiyyadka ku soo kordha xaafadaha hoteelada i.w.n

Waxaa uuna shirka ku soo idlaaday is afgarad iyo wadashaqeyn