Doorashada Shan kursi oo maanta ka dhacayday Magaalada Baydhabo.

22

Gudigga Dorashada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaciyaya natiijadda Doorashada Shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka BFS oo maanta lagu doortay Magaalada Baydhabo.

Gudiga ayaa shegay in Dr Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) auu ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-175 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayay Aadan Maxamed Ibraahim uu heley 22-cod waxaana gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed shegeen in ay halaabeen 3 cod.

Sidoo kale Guddiga ayaa shegay in Maxamed Bare Maxamuud uu ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-159 ee xubinnimada Golaha Shacabka isagoo helay codad gaaraya 72-cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdulaahi Maxamed Isaaq uu heley 23-cod halka ay halaabeen 5 cod

Waxa ay sidoo kale shegay in Maxamed Cabdi Maxamed uu ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-188 ee Xubinnimada Golaha Shacabka isagoo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdisamed Aadan Isaaq uu heley 27-cod waxaana Gudigu shegay in uu halaabay 1-cod

Gudigga ayaa sidoo kale shegay in Cabdiraxmaan isaaq Maxamed uu ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-185 ee xubinnimada Golaha Shacabka  isagoo helay codad gaaraya 71-cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Maxamednuur Maxamed uu heley 24-cod waxaana xumaaday 6-cod.

Ugu danbeeyntii Cabduqaadir Shekh Cali (Baraka) ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-177 ee xubinnimada Golaha Shacabka  isagoo helay codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamuud Abuukar Kheyr uu heley 16-cod Waxaa halaabay 1- cod waxaana Wadarta guud ee soo xaadirtay Ergada ahaayeen 92-qof.