Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guulleed oo heshiis gaaray

31

’iisul Wasaaraha Soomaaliya maxamed xuseen Rooble ayaa kulan uu yeeshay xafiiskiisa Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka kaa oo lagu dhameeynayay khilaafkii soo kala dhexgalay Siyaasiyinta Gobolada Waqooyi ee Somaliland

Kulankaan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu dhameeyay madmadowgii soo kala dhex galay, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

Kulanka Waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Ra’isulwasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, Abshir Bukhaari, Mahad Salaad, iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, Waxaana qoraal lasoo dhigay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu shegay in ay heshiis buuxa gaareen Siyaasiyinta Gobolada Waqooyi ee Somaliland.