M W Farmaajo “Lama Bixin Karo Lacagtii Lagala Wareegtay Imaaraatka

45

-Madaxweynaha Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku amray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in aan qasnadda dowladda laga saari karin lacag ay hay’adaha amnigu sanadkii 2018-kii ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Farmaajo ayaa sheegay in lacagtani ay “dalka ku soo gashay hab aan waafaqsaneyn hannaanka maalaiyadeed ee dalka, iyo shuruucda caalamiga ah ee isku gudbinta lacagaha, taasi oo taabaneysa amniga qaranka iyo xasilloonida dhaqaale ee dalka,” sida uu ku xusan qoraalka ay Madaxtooyadu soo saartay.

“Waxaan mamnuuc ah in go’aan uu hal mas’uul gaaray lagu bixiyo lacagtaasi iyadoo aan la marsiin hannaan waafaqsan shuruucda dalka,” ayuu intaasi raaciyay.

Qoraalka Madaxweyne Farmaajo ayaa soo baxay ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Jimcihii dowladda Imaaraadka Carabta ka raali galiyay dhacdadii ay ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya kula wareegeen lacag ka timid Imaaraadka oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.