DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Shabeellada Dhexe

70

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay deeggaanka ,Gamboole ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Taliyaha Guutada 16aad Kumandooska Danab Gashanle Dhexe Axmed Cabdilaahi Nuur Beeryare ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay dagaalameyaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab, isagoona sheegay jn nolashada ay ku dileen 5 sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ay sii wadaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ka socda gobolka Shabeellada Dhexe.