Axmed Karaash oo xabad joojin kala dhex dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay Sool

57

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku sugan deegaanka Saax-meygaag, ayaa dadaal ku bixiyay nabadeynta beelo walaalo ah oo halkaasi ku diriray, waxaana lagu guuleystay in la sameeyo xabad joojin Kadibna loo gudbo Shirka nabadeynta ee lagu dhex dhexaadinayo Beelaha dirirtu dhexmartay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah oo berito dhici doona, Kaasi oo ay kawada qeybgeli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.