Janeraal Tareedisho” Ciidamada oo howlgal kujira ayaa xabad lagu bilaabay”

28

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed qeybta 27aad janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in Ciidamada dowladda oo kujira howlgalkooda caadiga ah weerar jidgal ah lagu sameeyay si lamid ah weerarkii lagu qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Beledweyne wuxuu sheegay in Ciidamada laga been abuurtay oo lagu sheegay in, iyaga ay weerar qaadeen, wuxuuna ku tilmaamay arrintaasi inay tahay mid aan waxba kajirin.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in wixii dhaqan iyo xalin ah looga baahan yahay Odayaasha dhaqanka, sidoo kalena Ciidamada ay yihiin kuwo ka madax bannaan Siyaasadda, cid kasta oo kusoo duushana ay iska qabanayaan, isaga oo cadeeyay in uu ka xun yahay wixii ka dhacay Beledweyne.

Hadalka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed qeybta 27aad janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa xilli shalay degaanka Qowlad ay ku dagaalameen Ciidanka dowladda iyo kuwa uu hoggaamiyo Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere, kaas oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle.