Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inuu socdo diyaar garow ku aaddan shirka golaha wadatashiga Qaranka

47

Afhayeenka xukuumadda soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in ay socdaan diyaar garow ku aaddan shirka golaha wadatashiga Qaranka, kaasi oo la filayaa inuu maalmaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho.

“Waxaa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan.”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook-ga Afhayeenka Xukuumadda.

Shirka ayaa waxa looga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro magaalada Muqdisho.