Rooble oo afgambi ku tilmaamay tilaabada uu qaaday madaxweyne Farmaajo

67

Ra’iisul Wasaare Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay xiisadda ka dhex aloosan asaga iyo madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada Farmaajo ay tahay inuu carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in tilaabada uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ay ahayd afgambi bareer ah, sida uu hadalka dhigay.

“Tallaabooyinka uu qaaday Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ay yihiin isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, dastuurka iyo sharciyadda dalka u yaallo”

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee uu muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ra’iisawasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hormuud u ahaa howlaha doorashada uu shaqada ka joojiyey kaddib markii uu soo galay “tuhun Musuqmaasuq iyo ku Takrifal Awoodeed.”