Guddiga Doorashada Puntland Oo Soo Saaray Kuraasta Ugu Horreeysa Ee Golaha Shacabka

57

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Goordhow oo galabta ah shaaciyay kuraasta ugu horreeysa ee doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada Puntland oo Qoraal soo saaray ayaa lagu soo bandhigay Liiska 10 kursi ee ugu horreeysa ee doorashada Golaha Shacabka ee Puntland, kuwaasi oo doorashadooda maalmaha soo socda la qaban doono, sida uu qorshahu yahay.

Kuraasta ay Puntland soo saartay ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP196, HOP166, HOP128, HOP200, HOP325, HOP223, HOP249, HOP232 HOP094 iyo HOP144, waxaana kuraastaas ku fadhiyey Xildhibaano ka mid ahaa Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad.

Maamulka Hirshabeelle ayaan weli shaacin kuraasta ugu horreeysa ee doorashada Golaha Shacabka, halka weli aysan bilaabin doorashada Jubbaland oo kaliya shaacisay Liiska 14-ka kursi ee doorashada Golaha, balse sheegtay in talaadada la qabanayo doorashada kuraasta.

Hoos ka Akhriso Warqada ay soo saareen Guddiga doorashada Puntland.