Maxay Ka Wada Hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Ururrada Bulshada Rayidka?

85

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Tahliil Shaatax.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha uu la kulmay  Ururrada Bulshada ka dhageystay aragtiyo iyo talooyin ku aaddan geeddi socodka doorashada dalka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-ka bishan ka furmaya Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa u  xaqiijiyay Ururrada Bulshada Rayidka ah sida ay uga go’an tahay dardargelinta dhammeystirka doorashada, si dalka looga gudbiyo xaaladda cakiran ee ku jiro.

Goorsii horreeysay ee Maanta ayuu Rooble kulan gaar ah la yeeshay Midowga Musharaxiinta, iyagoona ka wada hadlay dardargelinta, hufnaanta doorashooyinka iyo tabashooyinka jira ka hor shirka lagu wado in uu 27ka December Muqdisho uga furmo Golaha Wadatashiga Qaranka.