Weerar lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidanka Kenya

73

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee kamid ah AMISOM ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Kenya ku leeyihin degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.

Xaaladda degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa degan, waxaana degaankaas uu kamid yahay goobaha laga ilaaliyo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.