RW Rooble oo sheegay in ay jiraan dad carqaladeynaya Doorashada

28

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay jiraan dad doonaya in ay caarqaladeeyaan Doorashada Golaha Shacabka, kuwaasi oo ku howlan sidii loo hakin lahaa.

Rooble ma magaabin dadka gaarka ah ee uu sheegay in carqaladeynayaan Doorashada.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayay kulanka Golaha Wasiirada ayaa sheegay in doorashada koo qaban doono si deg deg ah, waxaana uu caddeeyay in Golaha Wadashiga ay soo saari doonaan Jadwal Doorasho oo dhaqan gal noqon doona.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Doorashada ay tahay kaliya xalka dalka uga bixi karo xaaladddan adag, ay ka go’an tahay qabashadeeda.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli toddobaadka soo socda ay shir magaalada Muqdisho ku leeyihiin Golaha Watashiga Qaranka, kaasi oo la filayo in looga hadlo boobka lagu eedeeyay in lagu sameeyay Doorashada Golaha Wadashiga Qaranka.