Goobaha Ganacsiga ee Boosaaso oo maanta dib loo furay

24

Magaalada Boosaaso oo ay maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd xaalad kacsanaan ah ayaa maaanta deggan waxaana dhaqan galay xabbad joojin la dhex dhigay dhinacyadii dagaalamay.

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadkii ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laabteen, ka dib dhaqan galka Xabbad-joojinta.

Sidoo kale, waxaa maanta dib loo furay goobaha Ganacsiga ee magaalada kuwaasi oo hakad galay intii uu socday dagaalka, sida ay inoo sheegeen Ganacsatada.

Ciidamo taabacsan maamulka Puntland iyo kuwa PSF ee diidan xilka qaadista lagu sameeyay agaasimihii hore ee hay’adda ayaa maalmihii la soo dhaafay ku dagaal dhaliyay khasaare kala duwan uu ku dhexmaray Boosaaso.