Shirka golaha wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay doorashooyinka iyo amniga

60

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin amniga dalka, dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa shirkooda uga hadlay diyaargarowga shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-ka December ka dhici doona Muqdisho, wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo Gurmadka abaaraha.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soonaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, oo kulanka golaha wasiirada kadib warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii looga hadlay, isagoona sheegay in R/wasaare Rooble uu hay’addaha ammaanka faray adkeynta ammaanka ee dalka