Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay R/wasaare Rooble

48

War saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay qorshaha lagu qabanayo kulan ka fool ka fool oo ay isku arki doonaan madaxda golaha wadatashiga Qaranka, kaasi oo dhawaan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

“Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada. Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri”Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada, waxaana ku baaqeynaa hirgelinta kor u qaadis lagama maarmaan ah si loo saxo daldaloollada la arkay si loo xaqiijiyo in natiijadu ay heli doonto taageerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed”

Bayaankan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.