Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo ansixiyay miisaaniyadda 2022

46

Golaha wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta kulankooda todobadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa ansixiyay miisaaniyadda maamulkaas ee sanadka 2022 oo gaaraysa $30,000,000 oo dollar, taas oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda KG.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyadoo golaha wasiirraduna ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen miisaaniyadda sanadka socda uu ku shaqayn doono maamulkaasi.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa Warbixino looga djageystay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed, kuwaas oo sidoo kale faah faahiyay Shaqooyinka ay qabteen.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa uga mahad celiyay Golaha Wasiirada Shaqooyinka ay u hayaan Bulshada Koonfur Galbeed.