Rooble oo shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada.

24

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka kulan ay isugu imaanayaan magaalada muqdisho kaa oo loga arinsanayo arimha Doorashooyinka.

Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhici Doono 27-ka bishan December, 2021 waxa uuna ka dhici  doona magaalada Muqdisho, ee caasimada dalka

Waxaa kale oo shirka diirada lagu saari doonaa dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Kulanka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kusoo aadayo xili uu soo baxay khilaaf hor leh oo la xiriira arimaha Doorashooyinka.