Diyaaradaha Dagaalka Ee Xulufada Sacuudiga Oo Fuliyay Weeraro Cirka Ah

83

Diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sacuudiga ayaa fuliyay weeraro xagga cirka ah, taas oo ay ugu yeereen bartilmaameedka millateriga ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda ee Sacuudiga, dagaalyahanada ayaa duqeeyay 6 gooboob oo ay ka bartilmaameedsadeen garoonka, kuwaas oo ay gacanta ku hayyaan fallaagada Xuutiyiinta oo garab ka haysta Iran, iyo sidookale qalab loo adeegsado howgallada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Sarakisha fallaagada xuutiyiinta ee gudaha ayaa sheegay in la hakiyay howlaha garoonkaasi diyaaradaha.