RW Rooble oo sheegay inay xaliyaan cabashada laga qabo doorashada

48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in mar walba ay soo gaarto cabasho la xiriirta Arrimaha doorashooyinka, taas oo uga timaada Musharrixiinta iyo Xubno kamid ah Wakiilada Beesha caalamka.

Wuxuu sicad u sheegay in doorasho kasta ay leedahay cabasho sax iyo been midkii ay doonto ha aahaatee, balse ka Xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin inay xaliyaan cabashada ha ahaadaan kuwa ka imaanaya musharrixiinta iyo cid kasta oo tabasho qabta.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha ugu dambeyn sheegay in doorashooyinka ay soo maraan marxalado kala duwan balse loo baahan yahay in lagu dadaalo sidii looga gudbi lahaa si doorashada ay ku qabsoonto sidii loogu talo galay.

Hadalkan ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay Sanad guuradii Saddexaad ee kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed taas oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo.