Deni oo ka digay in la dhiso gole Siyaasadeed oo dalka u horseeda khalalaaso siyaasadeed,

25

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xilligaan aysan jirin in dhinac looga leexdo doorashooyinka dalka ka socda, balse muhiim tahay in la saxo waxa ka qaldan.

Waxaa uu ka digay abaabulka ay wadaan Midowga Musharrixiinta  ee ah inay dhisaan Golayaal Qaran, wuxuuna sheegay inay yihiin kuwaas kuwo doonaya in dib loogu laabto Teendhadii Carta ee dalka Jabuuti.

Kuwa mar mar dhahaya nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa” ayuu yiri Siciid deni.

Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu xalay ka sheegay Magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Midowga Musharrixiinta ay sheegeen inay dhisayaan Gole Qaran oo dalka gaarsiiya doorasho loo dhan yahay.