Guddiga Xallinta Khilaafaadka Oo Ka Horyimid Xilka Qaadistii Uu Sameeyay RW Rooble

56

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa diiday xilka qaadistii uu Maanta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu ku sameeyay 7 xubnood oo kamid ah Guddiga Khilaafaadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin Warqada kasoo baxday Xafiiska Rooble ee xilka looga qaaday qaar kamid ah Guddigood oo ay sheegeen inay wadar ogol ku doorteen dhammaan xubnaha Guddigaas.

Guddiga ayaa sheegay in hannaanka loo maray xilka qaadista xubnaha Guddiga uu yahay mid baalmarsan heshiiskii 17-kii September ee sanadkii 2020 iyo habraacii 1 Octoober lagu dhisay Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada dadban.

idoo kale Guddiga ayaa Warka ay soo saareen ku sheegay in hannaanka saxda ah ee loo maro wax ka badalka xubnaha Guddiyada doorashada heerarkooda kala duwan inuu noqdo  Go’aan ay wada gareen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa Cambareeyay tallaabo ay sheegeen inay tahay mid argagax leh oo Wasiirka amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur kula dhaqmay dhammaan xubnaha Guddiga, iyagoona sheegay in Wasiirka uu Ciidamo hubeysan lasoo galay Xarunta Guddiga.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka.