Shir u socdo Madaxweynayaasha Jubbaland & Koonfur Galbeed

18

Waxaa Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo uu shir uga socdaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen oo booqasho ku jooga Magaalada Kismaayo.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadalaya iskaashiga labada dhinac iyo xaalada dalka, iyada oo kulanka ay sidoo kale goobjoog ka yihiin, xubno ka socda labada Gole ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa jiri doona kulan gaar ah oo ay yeelan doonaan labada Madaxweyne, kaas oo ay uga hadli doonaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, iyadoo la sheegayo in labada dhinac is dhaafsanayaan dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo rag aad ugu dhow labada Madaxweyne ay u rabaan, kuwaasoo kuraastooda taal Kismaayo iyo Baydhabo.